Suuriya oo dalal madaxbanaan u aqoonsatay Gobollada Abkhazia iyo K/ Ossetia ee Dalka Georgia

0

Madaxweynaha Maamulka Abkhazia,ayaa shaaciyay in dalkiisa uu aqoonsi caalami ah ka helay Dalka Syria islamarkaana labada dhinac ay isku afgarteen furitaanka xafiisyada diblomaasiyadeed ee labada dal.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Abkhazia,ayaa lagu sheegay in xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac la hor marinayo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Dalka Georgia ayaa Gobollada Abkhazia iyo koofurta Ossetia u aqoonsan Gobollo ka mid ah dalkiisa,waxaana labadan Gobol Sanadkii 2008ddii dalal madaxbanaan u aqoonsaday Dalka Ruushka.

XeerarkaDalka Georgia,waxaa ay dhigayaan cidkasta oo Gobolladaas tagta iyada oo aan fasax ka heysan Xukuumadda Tbilisi in ay tahay dambi sidoo kalan karto dambi ah Ganaax weyn iyo Xabsi ugu yaraan 4 Sano ah.

Dhinaca Dowladda Syria wali ma xaqiijin warka ka soo baxay Madaxweynaha Maamulka Abkhazia ee goonni isutaagga ka ah Dalka Georgia.