Falaagada Al-shabaab oo sheegtay in ay 11 Qof ku dishay Wanlaweyn

0

Qaraxaan oo Xalay ka dhacay Degmada Wanla weyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa geystay Dhimasho iyo Dhaawac.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadiisa ayaa sheegtay in ay ku dishay 11; qof oo uu kamid ahaa Madaxii Maaliyadda Maamulka Wanla weyn oo ay Magaciisa kusoo koobeen Hurdaay iyo Askar katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Todobo-askari ayay sheegteen Al-Shabaab in ay dhaawacmeen, kuwaa oo la dhigay Isbitaal ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Balidoogle oo fariisiin u ah Ciidamo Mareykan ah.

Ma jiro war kasoo baxay Maamulka Wanla-weyn oo ay kaga hadleen Qaraxii xalay ka dhacay fiidkii ka dhacay iyo sheegashada Al-Shabaab ee la xiriira tiradada dhimashada iyo dhaawaca uu geystay ee ay sheegteen.