Eng. Cameey “Waan waan kama gali doonno Dhulka naga maqan”.

0

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cumar Cameey; ayaa sheegay in aanay Wada hadal ka geli doonin Dhul uu sheegay in Maamulka Somaliand ka heysto.

Waan waanta Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ay ku doonayaan Xal u helista Xiisadaha Labada Maamul ee ka taagan Tukaraq waxa uu ku tilmaamay in dhanka Puntland Xal u aheyn, maadaama Dhul Maamulka Somaliland uu ka heysto.

Haween, Carruur iyo Odoyaal Dhaqameed kahor yimid Maamulka Somaliland ayuu sheegay in lagu xiray Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool.

Mas’uuliyiin ka socda Qaramada Midoobey oo uu sheegay ay ku wajahanyihiin Gobolka Sool waxa uu ka dalbaday in ay tagaan Xabsiyada ay ku xiraan dadka, halkii ay ku Mashquuli lahaayeen Xaallinta Dagaalka Labada Maamul.

Cameey; waxa uu dhanka kale Somaliland u jeediyay in ay joojiyaan Cabburin uu sheegay in ay ku sameynayaan dadka ka soo horjeeda ee dhigaya Dibadbaxyada ka dhanka ah.