DHAGEYSO:- Nabadoon Yaasin Cabdisamad oo si Kulul u Weraray Somaliland

0

Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo kamid ah Nabaddoonada dhaqanka ee Puntland ayaa ka hadlay Xaaladda ka taagan gobolka sool gaar ahaan Degmada Magaalada Laascaanood iyo Deegaanada hoos-yimaada.

Nabaddoonka oo waraysi gaar-siiyay Warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in loo istaago Difaaca dhulka Puntland .

Nabaddoonka ayaa sidoo kale waxaa uu sharraxayaa dadka soomaaliyeed iyo marxaladihii ay soo mareen .

Nabaddoonka ayaa sheegay in hoggaamiyaha somaliland Muuse Biixi uu Maalin qura ku dilay Magaalada Boorame sannadkii 1999 dad gaaraya 800 qof oo reer Awdal ah .

Ugu dambayntii nabaddoonka ayaa u sheegay muuse biixi iyo ciidammadiisa inaysan caano ka cabi doonin duulaanka ay kusoo qaadeen dhulka Puntland .