DHAGEYSO:-Waa Sidee Xaaladda Amniga Gobolka Sool & saameynta dagaalka Tukaraq uu ku yeeshay?

0

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Kheyre dirir iyo Taliyaha Booliska oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in xaalad amni ee Gobolka uu yahay mid hagaagsan,islamarkaana Ciidanka Somaliland ay ku sugan yihiin jiida hore ee dagaalka Tukaraq.

Wuxuu sheegay in Ciidanka Ammaanka ay gudanayaan waajibaadkooda,islamarkaana Ammaanka guud uu yahay mid hagaagsan,marka laga reebo dagaalka ka socda Tukaraq.

Guddoomiyaha Gobolka Sool ayaa sheegay in Ciidanka Somaliland ay ka go’an tahay iney xoreeyaan deegaanka Tukaraq oo ay hadda isku horfadhiyaan Ciidanka Somaliland iyo Puntland.