Akhriso:-Nin Soomaali ah oo Lagu dilay Dalka Canada

0

Magaalada Ottowa ee caasimadda Dalka Canada waxaa lagu dilay C/Fataax Cismaan iyada oo sidoo kale lagu dhaawacay Haweeney kale.

Booliska Magaalada Ottowa ayaa sheegay in toogasho labo jeer kala ahayd ay ka dhacday Koonfurta Ottowa halkaasna uu ku dhintay C/Fitaax Cismaan oo Soomaali ahaa iyo Haweeney kale .

Maxamed Barre oo ay isku xaafad ahaayeen Ninka la dilay ayaa Booliska u sheegay in C/Fitaax oo ka mid ahaa dadka degganaa Bariga Magaalada Ottowa islamarkaana ay uu Gurigiisa ku soo koray isaga.

Haweeneyda la toogtay ayaa iyana rasaasta uga dhacday Miskaha,waxaana la geeyay Isbitaalka Weyn ee Ottowa halkaas oo la filayo in xabbadda looga saaro.

Boolisku waxaa ay sheegeen in weerarkan uu yahay kii saddexaad ee Todobaadkan dhaca iyo kii 13aad ee Sanadkan ka dhaca Magaalada.

Saraakiisha u hadashay Boolisku waxaa y sheegeen in ay baaritaan wadaan islamarkaana ay marqaatiyayaashii goobta weydiinayaan dadka weerarka geystay oo aan ilaa hadda la kala caddeyn.