SAWIRRO:- Wasiir Isloow oo Kormeer ku tagay Baraha Kontaroolada Ciidanka Amniga ee Daafaha Muqdisho.

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa maanta gabal dhicii kormeer shaqo ku tagay Baraha Kontarool iyo Fadhiyada Ciidanka Ammaanka ay ku leeyihiin Daafaha magaaladda Muqdisho.

Wasiirka Kormeerkiisa waxaa ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Saraakiisha Amniga.

Ciidanka Ammaanka ayey gaarsiiyeen Afur iyo dharka qabowga laga xirto, waxaana ay ku boggaadiyeen sida hagar la’aanta ah ay u gudanayaan waajibaadka shaqo ee Qaranka uu u idmaday.