DHAGEYSO+SAWIRRO:- Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay oo tagay magaalada Dhuusamareeb.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ayaa waxa ay sheegayaan in Wafdi ka socday Qaramada Midoobay ay Maanta gaaree Magaaladaas,waxayna halkaasi kula kulmeen Mas”uuliyinta Galmudug sida Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka Amniga Galmudug.

Warkan aya aintaasi waxa uu ku darayaa in Wafdiga ka socday Qaramada Midoobay iyo Mas’uuliyiinta Galmudug ay kormeer ku tageen Xarumihii ay ka dagi lahaayeen Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Amniga Galmudug Mahad Xassan Maxamed ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen Wafdiga ka socday Qaramada Midoobay,wuxuuna sheegay inay kala hadleen arimo ay ka mid yihiin Amniga iyo Siyaasada Galmudug.

Dhinaca kale Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Galmudug ay u qorsheysan tahay inay Al-Shabaab kala wareegaan Meelaha ay ka joogaan Galmudug.

Isku soo wada duuboo Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa Bilihii la soo dhaafay waxa ay socdaalo is daba jog ah ku imaanayeen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug waxa ayna wadaan Qorshayaal lagu hor marinayo Deegaanada Galmudug.