DHAGEYSO:- Xildhibaan Cosoble “Xil ka qaadistii guddoomiyaha Maxkamada sare waa ku takri fal awoodeed”.

0

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka ayaa si weyn uga hor-yimid magacaabidii iyo xil ka qaadistii uu Madaxweyne Farmaajo ku sameeyay xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.

Xildhibaanka ayaa Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay inuu xuso qodobada Dastuurka ama xeerarka Garsoorka uu u cuskaday xil ka qaadista Garyaqaan Iidle.

“Madaxweynaha waxaa looga baahan yahay in uu xuso qodobada dastuurka ama xeerarka garsoorka uu u cuskaday xilka qaadista garyaqaan Iidle, Haddii dastuurkii aan la cuskan ama garsoorki xeerarkiisa aan la raacin waxay noqoneysaa in arrinkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan Baarlamaanka ka fariisto”ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynaha ay aheyd inuu faro Xukuumadda inay dedejiso soo hordhigida Baarlamaanka ee Guddiga Adeega Garsoorka.

“Waxay aheyd Madaxweynaha in uu faro Xukuumadda in ay dedejiso soo hordhigida baarlamanka guddiga adeega garsoorka oo markii u dambeysay codsatay, in bil gudaheeda ay ku keeni doonto, baarlamaanka guddigaas dhismihiisa, si gudigaasi uu ugu soo gudbiyo Xukuumadda ruuxa qaban kara xilalka garsoorka”ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.

Xildhibaanka ayaa sheegay in magacaabida uu sameeyay Madaxweynaha aanay aheyn mid uu tilmaamay waxa uu u cuskaday xil ka qaadista ama magacaabida Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, balse ay u egtahay ku tagri fal awood iyo Garsoorka oo noqday mid aan ka madax banaaneyneyn Madaxweynaha, hadiiba uu wixii uu doono ka sameynayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed, iyadoo xilka laga qaaday Ibraahim Iidle Suleymaan oo xilkan haayay, waxaana Madaxweynuhu uu sheegay inuu u cuskaday balan-qaadkiisa ahaa in la helo nidaam garsoor oo ku dhisan hufnaan iyo caddaalad.

HOOS KA DHAGEYSO