DHAGEYSO:-Indho-indho “Hadii ay sidan ku socoto Puntland, Daarood waxay Qabsan Doonaan itoobiya, Waana ka digayaa”

0

C.qaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) oo ka mid ah baarlamanka maamulka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay weli dhowreyso baaqyada kasoo baxaaya Beesha Caalamka, Wuxuuna sheegay in Somaliland aysan ku adkeen in saacado kooban ay kula wareegto magaalada Garoowe, balse aysan qabin degdegtaasi.

Wuxuu tilmaamay inay aad u dhibsanayaan dhiiga ku qubanaaya deegaanka Tukaraq, balse ay muhiim yahay in dhinaca ay la dagaalamayaan ay garwaaqsadaan dhibta dagaalka. ‘’Dadka deeganka ayaa cadeynaaya cida laga jooji la’ yahay ee soo qaada duulaanka”