WAR DEG DEG AH:- Nabadoon caan ah oo lagu dilay degmada Dharkinleey.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in dableey hubeysan ay Nabadoon aad looga yaqaanay degmada Dharkiynleey ee gobolka Banaadir ku dileen.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Dableydan dilka geystay ay goobta isaga baxsadeen iyadoo ay goobta uu dilkan ka dhacay soo gaareen ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta gudaha dalka ayaa sheegay in Nabadoonka la dilay uu ahaa shaqsi aad looga yaqaanay degmadaasi.

Isku soo wada duuboo Maalmahan dambe ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo inta badan mas’uuliyadooda ay sheegteen kooxda mayalka adag ee Daacish.

Waxa kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media