Turkiga: “Somaliya nooma aha meel aan kula tartanno waddamada kale”

0

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in saldhigga ay ku leedahay Soomaaliya iyo howlaha kale ee ay ka waddo Soomaaliya aysan ahayn mid ay ka leedahay ujeeddo dhinaca tartanka Quwadaha ku dagaallamaya maamulka Caalamka.

Agaasimaga guud ee laanta xiriirka Afrika ee Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Turkiga Ahmet Riza Demirer, oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Anadolu Agency ayaa kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo siyaasadda Trukiga ee Afrika.

Ahmet Riza Demirer, waxaa uu sheegay in Soomaaliya aysan ahayn meel uu caalamka ku tartamo Turkigana uusan tartan u joogin.

Waxaa uu ka jawaabayay su’aal ahayd sida dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale ay u arki karaan Saldhigga Turkiga ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal 30kii sano ee la soo dhaafay ay dhibaato ka jirtay Turkigana uu u tagay in uu kaalmeeyo Dadka Soomaalida ah oo uu sheegay in ay yihiin kuwo tayo badan oo aan isdhiibin.