TOP NEWS:- Midowga Yurub oo ka Digay Khilaafka Khaliijka in uu Saameeyo Bariga Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

0

Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Europe ugu qaabilsan Geeska Afrika Alexander Rondus ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu dhawaan siiyey Laanta Afka Carabiga ee Idaacadda BBC-London, wuxuuna tilmaamay in Khilaafka Khaliijka uu sii ololinayo Deganaansho La’aanta ka jirta Bariga Afrika.

Waxa uu intaasi ku daray in Xiisadda u dhexeeysa Qatar, Sacuudiga, Imaaraadka iyo dalal kale ay minjixaabinayso dadaalka Nabadda ee Somalia, South Sudan iyo meel kasta oo ka tirsan Bariga Qaaradda Afrika

Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Europe ugu qaabilsan Geeska Afrika Alexander Rondus waxa uu shaaciyey in Khilaafka Khaliijka uu saamayn toos ah ku leedahay Geeska Afrika, isla markaana ay horseeday Xiisadaha ka taagan gudaha Somalia.