DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay Khilaafka Madaxda Galmudug.

0

Waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay kulamo kala duwan looga hadlaayo Xaaladda Galmudug ay ka dhaceen Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Galmudug ayaa xalay kulamo gooni gooni ah Magaalada Dhuusamareeb kula qaatay waxgaradka Dhuusamareeb.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha baarlamaanka oo ku sugan Magaalada Cadaado ayaa xalay iyagana dhankooda kulamo kala duwan la qaatay waxgaradka Magaalada Cadaado.

Dhinaca kale dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhinacyada khilaafka u dhaxeeyo ee Maamulka Galmudug inay gogol isugu yimaadaan magaalada Muqdisho 30-ka bishan si loo dhameeyo khilaafka joogtada noqday ee ka dhex taagan.

HOOS KA DHAGEYSO