XOG+DHAGEYSO:- Falaagada Al Shabaab oo laba garab u kala jabay.

0

Warar la helayo ayaa sheegaya in muddooyinkii danbe uu aad u xanuunsanayo Hogaamiyaha Ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu “Cubeyda”,waxayna Ururka Al-Shabaab ku kala qeybsameen cida qabaneysa Hogaanka Ururka Argagixisada ah.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in kala qeybsanaan mudo jirtay kadib ay garab ka mid ah Falaagada Al-Shabaab ay doorteen Hogaamiye,taasi oo dhalisay ineysan ku qancin raggi xilkaasi damaca uu kaga jiray.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Hogaamiyaha Al-Shabaab oo bedelay Hogaamiyihii la dilay ee Abuu Subeyr xanuunsanayo muddooyin billooyin ah,waxaana aad u yar in la helayo faah faahinada xanuunka haya Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda.

Wararka kala duwan ayaa laga helaya xanuunka sida gaarka ah ugu cabanayo Hogaamiyaha Al-Shabaab,wararka qaarkood ayaa sheegaya in Hogaamiyaha la xanuunsanayo dhawaac ka soo gaaray mid ka mid ah Weerarada lala beegsado AL-Shabaab,halka warar kale sheegayaan in laga hayo Kelyaha.

Isku soo wada duuboo Buuq badan ayaa ka dhex taagan Ururka argagixisada mayalka adag ee Al-Shabaab dhexdooda,waxaana la isku heystaa cida laga amar qaadan lahaa,maadama Hogaamiyaha argagixisada Al-Shabaab hadda uu xanuunsanayo.

HOOS KA DHAGEYSO