TOP NEWS:- Gudoomiyaha Aqalka Sare oo mar kale ka hadlay dagaalka Tukaraq.

0

Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markale war ka soo saaray dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,iyagoo ku baaqey in si deg deg ah loo joojiyo dagaalkaasi,si loo badbaadiyo dadka shacabka ah.

Guddoomiyah Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo lahadlay warbaahinta ayaa ka hadlay sida ay u arkaan dagaalkaasi iyo dhiiga shacabka oo qubanayo,isagoo wax laga xumaadu kutilmamay dagaalkaasi.

“Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu aad iyo aad uga xunyahay dagaalkaa sokeeye ee ka socda Tukaraq,isbuucii hore waxaan soo jeedinay in dagaalkaasi la joojin,balse looma dhaqaaqin,aniga magaran karo waxayaalo Tukaraq oo loogu dhimanayo,dagaal iyo colaad hadda ka horna waa niri laguma tarmee waa lagu tirmaa,abad iyo Barwaaqana waa lagu tarmaa,waxaan leeyahay labada qeybood ee Soomaaliya oo halkaasi ku dagaalamaysaa waa labadii qeybood ee nabadda ahaa,maantase waxaa ka dhacay waa dhibaato,waxaan soo jeedinaynaa madaxda in dagaalku ay joojiyaan si loo badbaadiyo dadka”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Dagaalka ka socda Tukaraq ayaa geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ,iyadoosidoo kale uu sameeyey dagaalkaasi isu socodka dadka iyo gaadiidka deegaanada lagu dagaalamay,wuxuuna sababay barakac farabadan,madaxda sare ee dalka ayaana dhowr jeer baaq nabadeed ka soo saartay dagaalkaasi.