SAWIRRO:- Wasiirradii dhawaan uu magacaabay R/wasaare Kheyre oo maanta la dhaariyay.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane; Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shir guddoomiyay kulan lagu dhaarinayay Wasiirradii iyo Wasiir kuxigeenadii uu dhawaan Magacabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Munaasabaddan ayaa Maanta ka dhacday Xarunta Villa Hargeysa, waxaana goobjoog ka ahaa gudoomiyaha ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muuddeey, Guddoomiye ku xigeenka Labaad Mahad Cabdalla Cawed iyo kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guueed Khadar.

Xubnaha Maanta la dhaariyay oo isugu jira Wasiirro, wasiir ku xigeenno iyo Wasiiru Dowlayaal ayaa masuuliyiinta hortooda lagu dhaariyay, marka laga reebo Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle oo safar dibedda ugu maqan.

Dhaarinta kadib ayuu Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman kula dardaarmay Wasiirada in ay u dhega nuglaadaan la xisaabtanka guddiyadda Baarlamanka ay ku sameynayaan xubnaha golaha Wasiirrada.

24-kii Bishan ayay ahayd markii uu Ra’iisul wasaaraha Dalka Mudane; Xasan Cali Kheyre soo Magacaabay 13 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo Wasiiru Dowlayaal, kuwaas oo buuxiyay boosas u bannaanaaday siyaaso kala duwan.