SAWIRRO:- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Midowga Yurub

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta Xafiiskiisa kula kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub oo ay hoggaaminaysay Madaxa Howlgalka EUCAP Ms Maria Cristina Stepanescu.

Taliyaha, ayaa wafdigaasi kala hadlay in Booliska ay ka caawiyaan horumarinta, dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo arrimo kale.

Madaxa Howlgalka EUCAP Ms Maria Cristina Stepanescu, ayaa sheegtay in Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu sameeyey horumar ballaaran oo la taaban karo, iyaddoo xustay in guulo weyn laga gaaray adkeynta Nabad gelyada dalka.