Raggii weeraray Hotel Naasa Hablood Oo Muqdisho Lagu Maxkamadeeyay

0

Eedeysanayaasha kala ah Farxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxa’d Xaaji Buule, ayaa la horkeenay Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Magaaladda Muqdisho, waxaana lagu soo eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa Hablood iyo kii 14 October weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhacay Soomaaliya.

Xeer ilaalinta oo soo oogtay dacwadda ayaa soo gudbisay in raggan la soo qabtay xilli ay ku guda jireen fulinta weerarkaasi.Su’aallo la weydiiyay eedeysanayaasha ayay ku qirteen in ay ka dhammaatay rasaasta ay u isticmaalayeen weerarkaas , waxa ayna dalbadeen in la cafiyo.

Qareeno difaacayay ayaa ku dooday in la marin habaabiyay oo aysan iyaga doorashadooda kaga mid noqon kooxda Al-shabaab hasa ahaate ay jeclaan lahaayeen in loo naxariisto kol hadii ay qirsan yihiin in ay geysteen weerarkaasi dadka badani ku dhinteen.

dhagaysi dacwada Kadib ayaa Maxkamadu waxay ku dhawaaqday in ay go’aanka Maxkamadda dib ka soo saari doonaan.

28 October sanadkii hore weerarkii lagu qaaday Naasa Hablood Labo waxaa ku dhintay 17 qof oo isugu jiro Siyaasiin xilal soo qabtay iyo kuwa kale, xildhibaan hore, Saraakiil ciidan, Haween iyo Caruur, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay inta la xaqiijiyay 40-qof.