SAWIRRO:- Ciidamada Dawladda oo gacanta kusoo dhigay rag ka tisan Daacish oo dil ka geystay magaalada Muqdisho.

0

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa sheegay iney qabteen nin ay ku tuhunsan yihiin inuu shalay Suuqa Bakaaraha ku dilay askari ka tirsan ciidanka Taraafikada.

Kooxda Daacish oo sheegatay iney ka dambeysay dilkan ayaa soo bandhigtay sawiro muujinaya nin wejigiisa la qariyey oo bastoolad ku dilaya askari ka tirsanaa Taraafikada.

Saraakiisha laamaha amaanka ayaa sheegaya in ninkan iyo nin labaad oo la shaqeynayey ay ku soo qabteen howlgal balse faahfaahin kama aysan bixinin.

Dhinaca kale, Inkastoo lebiska iyo qaab dhismeedka jirka ay iska shaabahaan ninka dilka geystay iyo ninka ay ciidamadu soo xireen haddana lama oga in qofka la soo xiray uu yahay kan rasmiga ah ee dilka geystay in kale.

Isku soo wada duuboo Ciidamada amaanka ayaa sheegay iney wadaan baaritaano, waxaana sawirada ninkan saacadihii ugu dambeeyey si weyn loogu faafinayey baraha bulshada, waana arin cusub in ragga dilalka geysta ay sawiro iska qaadaan marka ay wax dilayaan.