Howlgal xoogan oo kasocda Gaalkacyo kadib dilkii Xildhibaan Cabdixakiin

0

Kadib dilkii xlay Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug loogu geystay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland aya waxaa xalay halkaasi laga sameeyey howlgallo baaritaano ah.

Xildhibaanka oo lagu Magacabi jiray Cabdixakiin Macalin Daahir ayaa la toogtay xilli uu fadhiyey ka soo horjeeda Hotelka Clasic ee Waqooyiga Magalada gaalkacyo balse uu u geeriyooday dhaawac soo gaarey.

Ciidamo ka tirsan kuwa puntland ayaa xalay Gaalkacyo gaar ahaan aaga dilka uu ka dhacay waxa ay ka sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey dilka xildhibaan Cabdixakiin Macalin Daahir.

Saraakiil Sar sare ayaa Warbaahinta waxa ay u sheegeen in howlgalkaas lagu qab qabtay dad lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilka Xildhibaanka ,kuwaas oo gaaraya ilaa 5 ,isla markaana haatan ay baaritaano ku hayaan.