DHAGEYSO+SAWIRRO Ciidamada Amaanka oo Laba Nin oo Hubeysan ku dilay magaalada Muqdisho.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada amaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ay maanta toogasho ku dileen laba dabley ah oo ku hubeysnaa Bistoolado kuwaasoo la sheegay inay ka wadeen falal amni daro ah suuqa ugu weyn magaalada.

Ciidamada Amaanka iyo dalbeydan ku hubeysnaa Bastooladaha ayaa iska hor imaad dhex maray, iska hor imaadkaas oo lagu dilay laba ka mida dableyda hubeysneyd oo aan la sheegin inay ka tirsanaayeen Alshabaab ama Daacish oo muddooyinkan danbe dilal fara badan ka waday magaalada Muqdisho.

Isku soo wada duuboo Wasiirka Amniga DFS Maxamed Abuukar Islow ayaa u mahad celiyay ciidamada ka hor tegay dableyda hubeysneyd isagoo sheegay inay ciidamada ka hortageen sharwadayaal ka tirsanaa nabadiidka.