SAWIRRO:- R/wasaare ku-xigeenka JFS oo furay shirka looga hadlo Mashaariicda horumarineed ee Dalka.

0

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Magaalada Muqdisho ka furay maanta shirka Billaha ah ee looga hadlo Mashaariicda horumarineed ee Dalka ka socda,Amniga iyo Siyaasadda.

Shirkan waxaa ka qeyb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubno ka socda Dowlad Goboleedyada Dalka ,Safiirada Dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya iyo Hay’adaha gar-gaarka ee Qaramada Midoobey.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed shirkan maanta uu furay ayaa inta uu socda waxaa diiradda lagu saari doonaa sida ay socdaan Mashaariicda Horumarineed, waxyaabihii ka qabsoomay qadobadii looga hadlay shirarkii hore iyo Arrimaha la xiriira Amniga, Siyaasadda iyo Cadaaladda.

Sidoo kale inta uu socda shirkan qodobada looga hadlayo waxaa kamid ah Fatahaadaha Dalka ka jira iyo sida Dowladda iyo Beesha Caalamka uga jawaabeen Masiibooyinkan saameynta ku yeeshay Dadka Soomaaliyeed.