DHAGEYSO:-Wararkii ugu dambeeyay Duufaanta ku dhufatay degaanada Somaliland

0

Duufaan halis ah oo wadata daadad iyo dabaylo xoogan oo ku dhufatay qeybo ka mid ah geeska Afrika ayaa sabbatay dhimasahada ugu yaraan 30 qof.

Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in 31 qof ay ku dhinteen roobabka dabaylaha watay halka afar ruux la la’yahay halka ay jiraan.

Waxaa jiraa khaasare badan oo isugu jira xoolo ku dhintay, beero iyo dhismayaal ay burburiyeen duufaanta. Waxaana la sheegay in khasaaraha uu sii kordhayo.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Zaylici ayaa kormeer iyo indho indhayn ku soo sameeyay deeganno iyo tuuloyin dhowr ah oo ay go’odoomiyeen duufaanta.

Wuxuuna sheegay in gurmad loo fidiyay dadka deegannada ay saameeyeen daadadka oo ka tirsan gobolka Awdal, Saaxiiil iyo magaalada Selel oo ka tirsan Zaylac