WAR DEG DEG AH:- Xildhibaan lagu weeraray Gaalkacyo

0

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland lagu weeraray halkaasi.

Rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa meel u dhow hotel ku yaalla bartamaha Magaalada halkaasi uu ku sugnaa Xildhibaankan oo weli aan magaciisa la sheegin.

Weli lama oga hadii weerarkaasi lagu waxyeeleeyay Xildhibaanka.