WAR DEG DEG AH:- Qarax ka dhacay degmada Afgooye iyo Al Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadiisa.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay degmada Afgooye.

Sidda ay warbaahinta AGGM u xaqiijiyeen dadka degaanka ayaa waxa ay sheegayaan in ruux waday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa beegsaday Gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda oo marayay Xaafadda Baar Ismaaciil.

Dhinaca kale Falaagada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay iyagu lahaayeen Mas’uuliyadda Qaraxan, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 12 Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.