SAWIRRO:-Xukuumadda Soomaaliya oo dib u howlgelinaysa Shabakadda Hindisaha Dahfurnaata Dowladda

0

Dib u Howlgalinta Shabakadda Hindisaha Dahfurnaanta Dowladda Ayaa ah mid lagu so bandhigaayo xogta shaqo iyo waxqabadka wasaradaha dowladda,kaasi oo loogu talagalay in bulshada loo soo bandhigo,sida waxqabadka qaab  dhismeedka sharciyada  Shaqalaha,mashaaricda iyo macluumaadyo kale oo ay bulshada u hayaan hay’adaha dowladda.

Ujeedada barnaamijka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa la xiriirta islaxisaabtanka shacabka iyo hay’adaha dowladda,si loo abuuro jawi wadashaqeenaad ee dhexmara labada dhinac.

Agaasimaha Guud Wasaradda Warfaafinta C/raxmaan Sheekh yuusuf Al-cadaala Ayaa sharaxaay Ahmiyadda dib u howlgalinta shabakadan Hindisaha Dahfurnaanta Dowladda,iyadoo ay ka qeybgaleeen wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo madax kaladuwan oo ka kala socoday wasaaradaha iyo qeybaha bulshada.

“Marka koowaad barnaamijka waxaa loo baahday markii la dersay baahiyaha loo qabo in uu jiro farqi u dhexeeya dowladda iyo shacabka,taasi oo ku saabsan in shacabku ay ogaadaan waxyaabaha ay dowladooda u haysto waa taasi barnaamijkan ahmiyadiisa”. Ayuu yiri Agaasime Cadaala.

siihayaha Wasiirka warfaafinta ahna Wasiir kuxigeen Xildhibaan C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay in lagu so bandhigi doono waxqabadka dowladda.

“Waxaa lagu soo bandhigi doonaan xogaha kaladuwan sida siyaasadda,amniga dhaqaalaah,Miisaaniyadda Sharciyada,si ay halkaasi ugala socdaan macluumaadyada hay’adaha dowladda,Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay abuuraysaa jawi isla xisaabtan dowladda iyo Shacabka ah’. Ayuu yiri Wasiir Iidaan.

C/llaahi Xaamud Maxamed Wasiiru dowlaha Xafiiska Raiisul Wasaaraha Wasiru dowlaha xaamud  ayaa tilmaamay muhiimadda laga leeyahay arrin oo ay hirgelisay Xukuumadda Soomaaliya.

“Hadii shacabka aanay waxba ka ogayn wixii dowladdu ay u qabanaysa,ama  ay qabanayso wasaaradda diinta, Beeraha ama Gargaarka iyo wasaaradaha kale, marka hadii qofku aan waxba la socon wax fikrad ah ka ma haysan karo, aduunyada dhan ayaya ka jirtaa”. Ayuu yiri Wasiiru Dowle Xaamud.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa faah faahiyay shaqooyinka muhiimka ah oo ay dowladda u hayso shacabka.

“Xili oo muhiim ah oo xasaasi ah ayaan ku guda jirnaa xagga guud ahaan hanaanka geedi socoda dowladnimo,waxaa ay dowladda Soomaaliya ay haysaa howlo muhiim u ah dalka oo masiiri ah,waxaana kamid ah howlahaasi dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka”. Ayuu yiri Wasiir Saalax.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaalo dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku abuurto jawi wadashqeyneed iyo isla xisaabtan dhexmara hay’adaha Dowladda iyo shacabka ay u adeegayaan.