SAWIRRO:-Wasaaradda amniga soomaaliya oo war ka soo saartay Qaraxa Afgooye

0

Qarax loo adeegsaday gaari NOAH ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa lala eegtay gaari Cabdi Bille ah oo ay wateen ciidan ka tirsan kuwa Bancraf-ta, kaasi oo ka dhacay degmada Afgooye gaar ahaan aagga Baar Ismaaciil.

Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan ayaa waxa ay tilmaameen in ay qaraxaasi ku dileen ilaa 12 askari oo ka tirsan kuwa xoogga dalka, kadib markii gaari NOAH ah uu isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen ciidanka.

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay fashiliyeen gaariga qaraxa sida ee uu kaxeynayay ninka ka tirsanaa Al-shabaab, wuxuuna tilmaamay ujeedka inuu ahaa in shacabka lagu gumaado sida uu hadalka u dhigay