DHAGEYSO:-Magaalada Gaalkacyo oo maanta laga sameyey olole Nadaafadeed xili lagu guda jiro Bishii Ramadan

0

Dawlada hoose ee degmadan Gaalkacyo ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay wadday qorshe ay biyaha uga saarayso suuqyada waa weyn ee magaaladan Gaalkacyo iyo sidoo kale olole lagu wacyigalinayo Bulshada inay ka shaqayso Nadaafada.

Duqa degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasin Axmed Tumay ayaa maanta ka hadlay olole qashin looga saarayo gaabaha dadku ganacsadaan iyo sidoo kale xaafadaha magaalada Gaalkacyo.