DHAGEYSO:- Axmed Madoobe ” Hay’adaha Jubbooyinka ka howlgala waan la Xisaabtamaynaa ”

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Maamulkiisa uu la xisaabtamayo Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Deegaanada Maamulka Jubbaland.

Faragelin Maamul ayuu sheegay in aanan ku sameyn Doonin Deeqaha ay Bixinayaan Hay’adaha, sidoo kalana aanan jirin Amar ay ugu dalbanayaan in lagu wareejiyo Deeqaha ay bixinayaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Hay’adaha Samafalka ku dhaliilay in Warbixino Been abuur ah ay gudbiyaan, halka qaarkoodna aanan toos u bixin Gurmadka ay wadaan.

Maamulka Jubbaland ayuu sheegay in uu go’aansaday la Xisaabtanka Warbixinada ay Soo saaraan Hay’adaha, Kaalmada ay Dhiibaan iyo Meelaha ay ku bixinayaan oo ay Goob joog ka noqonayaan.