TOP NEWS Cidamadda Dowladda Federaalka oo Degaano Cusub la wareegay

0

Taliyaha Guutada 52–aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal. Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) ayaa sheegay inay dileen rag badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Jeneraal Tareedisho oo u warramayay warbaahinta Dowladda ayaa sidoo kale Sheegey inay howl-aggaladii ugu dambeeyay ee ay ka fuliyeen Gobolka Hiiraan ay ku dileen 168 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana degaanno badanna ay ka saareen.

Jeneraal; Tareedisho ayaa sheegay inay Ciidamadu haatan niyad fiican u hayaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab maaddaama ay taakulayn buuxda ka haystaan Dowladda dhexe iyo Shacabka ku dhaqan degaannada ay howlgalalda ka socdaan.

Hadalka taliyaha marka lagasoo tago ayaa weli Al-Shabaab dhankooda kama hadlin warka kazoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan.