Kalluumeysatada Mudug Oo Ka Cabanaya Maraakiib Shisheeye

0

Kalluumeysatada ku sugan deegaanka  Deenoood ee gobolka Mudug ayaa wajahaya dhibaatooyin dhanka Kalluumeysiga ah ka dib markii Maraakiib Jariif ah ay ka burburiyeen qalabkii ay ku kalluumeysanayeen.

Duune Maxamed Aadan oo ka tirsan Kalluumeysatada deegaanka Deenood ayaa warbaahinta uga waramay dhibaatooyinka haysta kalluumeysatada.

“Kalluumeysatadii qalabkii waa ay ka qaateen qaarana way burburiyeen, Maraakiibta looma dhowaan karo aad ayey u hubeysanyihiin “.

Kalluumeysatada gobolka Mudug ayaa tilmaamay in Maraakiibtaan Shisheeye ay qaati ka taaganyihiin iyaga oo sheegay in dhammaan qalabkoodii ay ka burburiyeen Maraakiibtu.