DHEGEYSO:-Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Soomaaliland Oo Si Kulul uga Hadlay Dagaalkii Tukaraq

0

Iyadoo Dhawaan Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool Ay Kuwada Dagaallameen Ciidamo kala Taabacsan Maamullada Puntland Iyo Soomaliland Ayaa Arrinkaas waxaa Ka hadlay Xubno Ka Tirsan Golaha Wakiilada Soomaaliland.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Oo Ka Mid Ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Soomaaliland Ayaa Waxa Uu Beeniyey In Soomaaliland Ay Kusoo Duushay Dhulka Maamulka Puntland.

Xildhibaanka Ayaa Waxa Uu Tilmaamay In Deegaanka Tukaraq Ay Ka Mid Tahay Dhulka Soomaaliland Isla-markaana Puntland Ay Dooneyso In Dhulkaasi Xoog kula Wareegto.

Sidoo kale Waxa Uu Beeniyey In Dagaalku Uu ka Dhacay Deegaanka Tukaraq Gudihiisa Balse Uu Ka Dhacay Meel banaanka Ka Ah.