Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Tahriib ku ah Liibiya Oo Dalka dib loogu Soo Celinayo.

0

Tiro ka mid ah Tahriibayaasha Soomaalida sharci-darradda ku joogta dalka liibiya, ayaa waxaa shalay loo qeybiyey Dukumentiyadda KMG ee lagu safri karo   (Temporary Travel Documents), kuwaasi oo lagu wado inay dabayaaqada bishan soo gaaraan magaalladda Muqdisho.

Telefishinka Dowladda Libya ee (Qanaat Liibiya) ayaa soo bandhigay Warka iyo  Muuqaalka Tahriibayaasha Soomaalida ee loo qeybiyey Dukumentiyadaasi oo iyagoo faraxsan kor u haya Dukumentiyadda Travel Documenti-ga.

Dhallinyaradaasi waxay  Dukumentiyadda shalay guddoonsiiyey Faraca Hay’adda Kontoroolka Socdaalka ee dalka liibiya ee ku yaalla magaalladda Tripoli, gaar ahaan Jidka loogu magac daray Sekka Road.

Madaxa Xafiiska Warbaahinta ee Hay’adda Kontoroolka Socdaalka ee dalkaasi, Xusni Abu Ayana oo ka hadlay Munaasbaadii Tahriibayaasha Soomaalida shalay lagu guddoonsiiyey Dukumentiyadda Socdaalka ayaa xaqiijiyey  inay arrintaasi iska kaashadeen Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR iyo Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM

Muhaajiriintaasi ayaa la filayaa inay bishan May 29-da ka soo degaan Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horeysay oo tahriibayaal soomaaliah laga soo daayo xabsiyadda liibiya, waxaana la filayaa in dhalinyaraadan dawaan ay dalka soo gaaraan.