DHAGEYSO:- Cali Cosoble “Madaxda Maamul Goboleedyada waa fashilmeen, waxa ayna u adeegaan dano shisheeye”.

0

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyay Madaxda Maamul Goboleedyada dalka in ay isku bedeleen Hoggaamiye Kooxeedyadii oo kale marka loo eego in wax aan loo joogin ay marmarsiimo ka dhiganayaan.

Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa hoosta ka xariiqay in maamul Goboleedyada qaarkood ay Canshuura ka qaataan dekado ay maamulaan hadana aysan jirin wax adeeg bulsho ah oo ay u qabtaan shacabkooda , islamarkaana iyagoo doonaya in iintooda ay ka jeediyaan bulshada ay eeda dusha uga tuurayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku eedeeyay in Madaxwyayaasha Maamul Goboleedyada ay u adeegayaan dano shisheeye islamarkaana aanu jirin mowqif ka wanaagsan midka ay Madaxda qaranku iska taageen Khilaafka wadamada Khaliijka.

Isku soo wada duuboo Waxaana uu ku cel celiyay in Madaxda maamul Goboleedyada ay u muuqdaan sida Hoggaamiye Kooxeedyadii beri Xamar ka arrimin jiray oo inta kaalintoodii dayacaan iska soo saari jiray eedeymo aan meesha oolin sida uu hadalka u dhigay.

HOOS KA DHAGEYSO