TOP NEWS:- Wasiir Axmed Ciise Cawad “Soomaaliya iyo Kenya kama ay wada hadlin arrimaha Dacwada Badda.

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan jirin wada xaajood ay dowladda Soomaaliya kala yeelatay Kenya ee ku saabsan arrinta Dacwada Badda oo horay u taallay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.

Wasiir Cawad ayaa xaqiijiyay in uusan jirin wada hadal rasmi ah oo Kenya iyo Soomaaliya ay ka yeesheen oo ah wado aan aheyn Maxkamadda Hague in lagu xaliyo muranka xuduuda Badda ee labada dal ka dhaxeeya.

“Kiiska dacwadda Badda ee inaga dhexeeya Kenya, waxaa uu inoo joogaa maxkamadda caalamiga ah ee Hegue, waxaan idiin xaqiijinayaa inaanu jirin wax intaas ka baddalan oo Kenya na dhex maray, inagoo ixtiraamayna darisnimada naga dhaxaysa” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Isku soo wada duuboo hadalka wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa jawaab u ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, oo dhowaan sheegtay inay jiraan wadahal ay madaxda Soomaaliya kala yeesheen arrimaha muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya.