DHEGEYSO:-Xildhibaan Cabdi Cali Oo Sheegay inuusan Shaqeyn Xeer-hoosaadka Baarlamaanka

0

Xildhibaan Cabdi Cali oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa aad u dhaliilay Shaqooyinka ay haayaan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu sheegay in Xeer hoosaadka Baarlamaanka meel cidlo ah looga tegay,isla markaana ajandihii ay isla gartaan la iska tuuro.

Waxa uu sheegay in xeer hoosaadka loo sheego in ay u cadeeyeen balse mudo kadib hana codkoodii lagas oo qaado mid aan waxba ka jirin.

“Runtii baarlamaanka waxaa heysato ayaandarro,waxan u imaanaa in aan xeer hoosaadka aan u codeyno si ajandaha maalintaas aan u codeyno balse shaqo kadib meel cidlo ah lagu tuuro oo waxba kama jiraan lagasoo qaado,subax walbana wax aanan aqoon ayaa nagula soo qaado”.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa eedeyn u jeediyey guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya,oo uu sheegay in aysan awood u laheyn in ay farageliyaan Shaqooyinka mudanyaasha Baarlamaanka.