Booliska Malaysia oo Guriga Ra’isalwasaarihii hore ka soo saaray Dahab iyo lacag fara badan.

0

Booliska Dalka Malaysia ayaa habeenkii 2aad howlgalka ka fuliyay Guriga uu caasimadda dalkaas ku leeyahay Ra’isalwasaarihii hore Najiib Razaaq.

Ciidamada Booliska ayaa mid ka mid ah dhismayaasha ka soo saaray Boorsooyin badan oo dahab iyo agabyo kale oo qaali ah,waxaa laga soo buuxiyay 5 ka mid ah Gaadiidka Booliska.

Boorsooyinka qaar waxaa qiimahooda lagu sheegay $200,000 oo doollarka Mareykanka ah,waxaana Booliska ay howlgal ka fuliyeen Guriga Najiib ee Kuala Lumpur.

Ra’isalwasaaraha cusub ee Malaysia Mahatiir Maxamed ayaa markii uu guuleystay todobaadkii hore waxaa uu amar ku bixiyay baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo hantida Ra’isalwasaaraha laga guuleystay.

Waxaa loo diiday Najiib Razaaq, in uu dalka ka dhoofo inta uu baaritaanka ku socdo isaga iyo qoyskiisa,waxaana lagu tuhmayaa in ay Hanti badan lunsadeen.