FAALLO:- Madaxweyne Farmaajo markuu ku kalsoonaaday, Diintiisa, Dadkiisa, Dalkiisa iyo Soomaalinimadiisa Ayaa Caalamkoo Dhami Qadariyay.

0

Sawirkani waa madaxwaynihii dawlada fadaraalka ee Soomaaliyeed mudane Maxamed farmaajo oo dawlada Qadar ay usoo dhawaysay si heer sare ah,oo loo qaabilo wadamada iyo madaxda sida gaarka ah loo xushmeeyo loogana haybaysto.Qofkastoo ah Soomaali ayay dhaxal u tahay karaamadaa iyo qadarintaa dawladaha caalamku siiyeen madaxweyne Farmaajo.Taana macnaheedu waxaa weeye dadka iyo dalka soomaaliyeed ayaa helay oo lasiiyay karaamayn iyo ixtiraam gaar ah. waxaa is waydiintu tahay maxaa keenay in sidan laynooga haybaysto inagoo mudo nus qarni ah ku jiray burbur iyo fawdo iyo dawlad la aan?


Jawaabta ayaa ah waxaa sanadkan inoo kacay Madaxweyne iyo dawlad leh iimaan iyo dadnimo oo ku kalsoon naftooda.waxaa inoo kacay hogaan iskula wayn diintiisa,dadkiisa iyo dalkiisa oo aamin san in cidina quursan karayn.waxaa inoo kacay madax aamin san in dalkeenu yahay dal qani ah dawladaha caalamkuna danaynayaan qaninimada dalkeena,sidaa daraadeed waxay diyaar u yihiin una sheegeen caalamka in cidii iyo dawladii karabta dhaqaale iyo wax wada qabsi dalkeena soomaaliya ay dawladeenu diyaar u tahay. Hayeeshee madax deenu waxay meesha kasaareen kalmada ah caawinaad!! halka laga oran lahaa wax wada qabsi tanoo dawlada hada jirtaa u sheegtay caalamka dawlad walina ay aqbashay.

Madaxwayne Farmaajo waa nin daacad u ah dalkiisa waana mid ay ka dharagsan tahay soomaalidu iyo caalamkuba oo muuqata.Hadafkiisuna waa in uu dalkeena badbaadiyo,kasaaro dawlad la aanta,amni xumada,liidnimada jahliga,waxa uuna doonayaa in qofkastoo Soomaaliyeed dalkiisa ku helo nabad iyo nolol. waxa uu doonayaa in dalkeenu kabaxo baylahnimada,oo aynu difaacano bada iyo bariga iyo cirkaba dalkeena. waxa uu doonayaa in qofka soomaaliyeed dalkiisa ka helo amaan buuxa sharaf,shaqo iyo waxbarasho.

Maanta waa wada ogaanay in aysan dani inoogu jirin hadaynu nahay soomaali,in aynu isu dilo qabiil qabiil sidii dagaal oogayaashii,in aynu noqono dagmooyin iyo gobolo mid walbaa qabiil salka la galo oo ku gabado dawlado shisheeye ahna ay u isticmaalaan in soomaaliya aysan helin dawladnimo buuxda. qabiil halkuu ina geeyay waa aragnay,gobolaysi iyo shisheeye loo adeego halkuu ina geeyay waa aragnay,waxa kaliya ee ina deeqaa waa waxaan marnaba la hurayn oo ah SOOMAALINIMO IYO DAWLADNIMO.

Dalwaliba waxa uu cadawgiisa iska dhacshaa oo qiimo yeeshaan dadkiisu markay yihiin dawlad.wax lagu doorsan karaa majiro Soomaalinimada iyo dawladnimada,maxaayeelay qabiilka ufiirsada kan dadka kuugu xiga ayaa kugu ah cadaw adiga faylaha ku gooynaya,waana fikir gumaysigu waa hore dadkeena galiyay qaabka qabiilka aynu u isticmaalo.hadaad dhab u baarto nin walba qabiilkiisa waxaa uuga fiican dadka soomaaliyeed. qabiilku waa cadawga koobaad ee dadkeena iyo dalkeena iyo dawlad nimadeena waa in aan ka tagnaa.

Qofkii Soomaali ah ee damiir iyo iiman yar leh,wuu arkaa maanta in Muuse Biixi buun qabiil afuufayo oo uu aad u jecel yahay in dadka soomaaliyeed isu dilaan qabiil qabiil taasoo ah dib u dhac iyo khasaare uun.waad aragtaan in uu qofka soomaaliga ah ka jecel yahay shisheeye xoogaa lacag ah siiya. Waad aragtaan maanta Axmed madoobe iyo Gaas in cadaw ku yihiin jiritaankeena soomaalinimo iyo dawladnimadeena,oo ay ka doorbideen in ay shisheeye u shaqeeyaan oo lacag qaataan. Waxayna fulinayaan mashuuca shisheeye usoo dhiibay oo ah in dawlada fadaraalka ee soomaaliyeed la curyaamiyo oo la burburiyo,oo waqtiga qaaliga ah looga dhumiyo mashquulin si aysan u guulaysan oo dawladu u shaqayn.

Carabtu waxay kabaqayaan sirta ay hayaan oo ay kamaqleen saaxibadood reer galbeedka markan iyo ingiriiska oo ah in dalkeenu ka shiidaal badan yahay khaliijka oo dhan ceelashooda.Soomaaliyana mardhaw ay noqonayso dalka uugu qanisan caalamka. waxa dalkeena dawlado ina dul jooga bilaash maha waxaynu haysano ayaa laysku haystaa inagii dalka lahayna waa hurudnaa. dan inoo mahayaan kuwa maanta horteena u khidmaynaya shisheeyaha ina baabi inaya.

Dadaka shisheeyaha u shaqeeyaa midabkoodu waa hal,qabiilkoodu haba kala duwanaadee waa Muuse biixi,waa cumar cabdirashiid,waa axmed madoobe,waa gaas nimanka hada hor istaagay shacabka soomaaliyeed in uu helo dawladnimo oo u tafaxaytay u shaqayn shisheeye sida Eithiopia iyo Emaraatka iyo xulufadooda.

kuwaan xun xunoo xaaf iyo cabdiraxmaan cabdi shakuur,fiqi,odowaa,mahad salaad,waxay khaadin usii yihiin qoladaa hore laakiin dhinac marka laga eego iyagaa dhaama oo rajay leeyihiin haday ka haraan kuwaa dalkooda iibsanaaya ee soomaaliya kharibaya. walaalayaal hadaynu soomaali nahay waa in aynaan iibsan dalkeena,waa in aan fahanaa in ay cawaaqib xumo aad ufool xun tahay aduun iyo aakhiraba in aad dadkaaga iyo dalkaaga shisheeye ku soo hogaamiso oo aad u jabiso.

Aynu gacmaha iswada qabsano,is aamino danteenu waa soomaalinimo iyo dawlad nimo,soomaali siman oo walaalo ah waxaan ku heli karaa nidaam iyo dawladnimo.kuwa u shaqeeya shisheeyaha ee dawlada diidan marabaan in soomaaliya sinaato,farmaajana iyo dawladaan waxaa lagu colaadinayaa dadkii soomaaliyeed maxaad usimaysaan dhabtu waa sidaa.

Maanta waxaynu haysanaa madax daacad ah wadaniyiin ah shaqo badan,waa nasiib iyo guul illaahay ina siiyay soomaaliyeey aan la garab galo dib usoo noolaynta dawladanimadii soomaaliya.dalkeena iyo dadkeena soomaaliyeed waxaan illaahay uuga baryayaa in uu siiyo dawladnimo buuxda xasilooni amaan iyo kala danbayn,in quluubteena illaahay mideeyo oo dhex dhigo is jacayl iyo walaaltinimo buuxda.cadawga dadkeena iyo dalkeena iyo dawladnimadeena illaahay haynaga qabto.Madaxweyne Farmaajo iyo dawalda soomaaliya kuligiin waa mahad santihiin dadaalkiina.

W/Q:Yuusuf Omar
Email: mashruuc5@hotmail.com