TOPNEWS:-Qaramada Midoobey oo War Ka Soo Saartay Dagaalka Tukaraq

0

Qaramadda midoobay ayaa ku baaqday  in la joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,kaasi oo u dhaxeeya puntland iyo soomaaliland .

Michael Keating wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya qoraal kasoo saaray xafiiskiisa ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dagaalka dhiiga ku daadanayo ee ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in colaad aysan waxba tareyn balse loo baahan yahay in xiisada dagaalka loo bedelo wada hadal labada dhinac ay yeeshan si looga gudbo in dhiig danbe daato

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhaya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa ku waramaya In halkaas laga maqlayo rasaas ay isweedaarsanayaan labada dhinac.

Waraarka danbe kala soco allgalguud media