Akhriso:-Isgaarsiinta Deegaanka Tukaraq Oo Hawada Ka Maqan

0

Wararka laga helayo deegaanka Tukaraq oo ay ku dagaallamayaan ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ayaa waxay sheegayaan in ayna deegaanka  ka jirin wax isgaarsiin ah.

Dadka ku dhow deegaankan ayaa xaqiijinaya in ay hawada ka maqan tahay Isgaarsiintii oo aan la ogeyn cidda Labada maamul ee sida dhabta ah u jartay ama haddii ay jiraan cillado soo gaaray qalabkii isgaarsiin ee halkaasi yaallay.

Ma jirto cid kala dhexgashay ciidanka Somaliland iyo kuwa Puntland ee ku dagaallamay Tukaraq, iyadoo illaa xalay dagaallada ay soo gaareen.