TOPNEWS:-Shirka maamul goboleedyada oo maalintii labaad galay maanta

0

Shirka maalintii labaad ugu soconaya madaxda maamul goboleedyada dalka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa maanta la filayaa in la soo gaba gabeeyo, islamarkaana ay ka soo saaraan qodobo dhowr ah oo ku aadan wixii ay isla garteen.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa shirkaan kaga hadlay arimo dhowr ah iyagoona dul istaagay xaalada siyaasadeed ee dalka uu marayo, waxaana eedeen ay u soo jeediyeen madaxda dowlada dhexe ee Soomaaliya oo ay ku dhaliileen meel marinta nidaamka Fedraalka, hab qeybsiga kheeraadka dalka iyo qodobo kale.

Maanta ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo shirkaas oo maalintii labaad galay maanta.