SAWIRO:- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed oo la kulmay Saraakil Turkiga katirsan

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay ku xiggeenka Safiirka dawladda Turkey u fadhiya Soomaaliya Mudane Cali kan Aksooy.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Ku-xigeenka Safiirka Turkiga, ayaa kawada hadlay siddii dawladda Turkey gacan ay uga geysan laheyd tababarka iyo qalabeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo arrimo kale.

Ku xiggeenka Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Cali kan Aksooy, ayaa sheegay in dawladdiisa diyaar ay tahay caawinta iyo garab istaaga Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko uu uga mahad celiyey sida wanaagsan ee xafiiskiisa uu ugu soo dhaweeyey.