TOPNEWS:-Shabaab oo soo bandhigay sarkaal ay sheegeen in uu ka goostay Jubaland

0

Ururka Al-shabaab ayaa degmada Jillib ee gobolka Jubbada Dhexe ku soo bandhigay nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland, kaasi oo ay tilmaameen inuu garowsaday inuu ku biiro Shabaab.

Xasan Khayre Xuseen ayay Shabaabku ku sheegeen magaca ninkan, waxayna Shabaabka tilmaameen in sarkaalkan uu Jubbaland ka tirsanaa muddo sanad ah, kana mid ahaa ciidanka ku soo tababartay dalka dibaddiisa.

Waxay tilmaameen Shabaabka, sarkaalkan xilliga uu isa soo dhiibayay inuu watay Qorigiisa, kaasi oo uu ugu shaqeynayay maamulka Jubbaland, balse wixii hada ka dambeeya uu isku dhiibay Shabaab.