SAWIRRO:-Shirka dib U Eegista Dastuurka Oo Goordhaw ka furmaya Hotel Royal Palace.

0

Shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa goordhaw lagu wadaa in uu ka furmo Hotel Royal Palace Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo muddo saddex cesho ah soconaya waxaa daah furaya Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Waxaa shirkan ka qeybgelaya Guddiyada dib u eegista Dastuurka ee Golaha shacabka iyo aqalka sare,xubno ka socda xukuumadda iyo daneeyayaal kale oo arrimaha dastuurka ku taqasusay.

Qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa sheegay in aysan ka qeybgaleyn shirka Dastuurka ee ka furmaya maanta Magaalada Muqdisho iyaga oo sheegaya qaarkood in aan lagala tashay.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa shir ku yeelanaya dhawaan Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay halkaas oo la sheegayo in ay uga hadlayaan arrimaha dastuurka.

Shirka maanta ka furmaya Muqdisho gaba gabadiisa ayaa lagu wadaa in war-murtiyeed laga soo saaro.