TOPNEWS:-Guddoomiya Baarlamanka Soomaaliya oo si kuluul u cambaareyay gabadh lagu xidhay Kismaayo

0

Guddoomiya Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay Xadhig loo geystay Gabadh da’yar ah oo facebook-ga ku taageertay Dawladda federaalka soomaaliya.

Guddoomiye Mursal Ayaa war uu soo dhigay bartiisa Tuwiiterka (twitter) ku sheegay in uu Cambeereynayo kana xunyahay xariga kismaayo loogu geystay Sahro Maxamed Yuusuf, taasi oo maalmo ka hor ay xireen ciidamada maamulka jubbaland.

Maxamed Mursal Guddomiyaha Baarlamaanka Xukuumadda Soomaaliya ayaa carabka ku dhuftay in ay muhiim tahay in la dhawro Xorriyadda hadalka, waxaana uu jubbaland ka dalbaday in si degdeg ah loo sii daayo.

“Waxaan Cambaareynayaa xariga kismaayo loogu geystey Gabadhan Da’da yar ee loo xirey taageerada ay u muujisey Dowladda dhaxe aawgeed, waa in la dhowro xoriyada hadalka, waxaan Codsanayaa in deg deg loo sii daayo shuruud la’aan” ayuu yiri.

Maamlo ka hor ayay aheyd markii Xabsiga magaalada kismaayo lagu xiray Sahro Maxamed Yuusuf oo la sheegay in ay barteeda Facebook-ga ku soo qortay ereyo at ku taageereyso Dawladda Soomaaliya.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka jubbaland oo ku aadan xariga gabadhaasi.