Saraakiisha Laamaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo Tababar Loogu Gabagabeeyay

0

Tababarkan lagu baranayey sidii loo maarayn lahaa Xuduudaha Dalka iyo muhaajiriinta soo qulqulayaa oo 3 maalmood ka socday magaalada Boosaaso ayaa lasoo gabgabeeyey,waxaana ka faa’idaystay saraakiil socday Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ee ka hawlgala Garoomada Diyaaradaha,Dekedaha iyo xuduudaha Dhulka.

Waxaa Tababarkan oo ay iska kaashadeen laant Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka Aduunka ee IOM uu yahay mid kor loogu qaadayo aqoonta saraakhiisha ka shaqeeya Xuduudaha dalka ee kala ah Dhulka Cirka iyo Badda.

Agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyada Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso C/nuur Maxamed Jaansaar oo faahin kabixiyey tababarkan waxa uu sheegay intababarada noocan ah xooga lagu saarayo sidii saraakiisha loo bari lahaa qabashada dadka sida sharciyada dalka ay ku soo galaan ee kala ah Soomaalida iyo Ajaanibta.

“Waxaa lagu guuleystay in la soo celiyo sharaftii Baasboorka,dhinaca socdaalka waxaa lagu guuleystay in la qaato tababaro badan,si looga hortago dhagar qabayasha sida sharci darada ah ku soo galaya dalka,ha noqdo muwaadain Soomaali ah oo dhagar qabayasha kamid ah ama kuwa ajaanibta ah”.Ayuu yiri C/nuur.

Axmed Raage oo ah Taliye ku xigeenka hay’adda socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya ayaa sheegay in jamhuuriyada federaalka soomaaliya ay tababaradii dalka dibadiisa loo aadi jirey ayusoo weecisay degmooyinka dalka si muwaadiniinta magaalooyinkooda wax loogu baro.

“Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dhamaan inta ayay ku dhanyihiin,markii labaad waaye oo aan halkan tababara,marka hore waxaan ku qabanaya Garoowe bishii Febraayo,kana waxaan ku qabanaynaa halkan,ee halkii loo aadi lahaa dalka Dibadiisa hadda dowladda Soomaaliya waxaa ay fahmaysaa in lagu qabto gudaha dalka meeshii nabad ah”.Ayuu yiri Axmed Raage.