Akhriso:-Sambalooshe oo Itoobiya ku Abaabulaya Qorshe ka Lagu mucaaradayo xukuumada soomaaliya

0

Taliyihii hore ee hey’adda nabad sugidda qaranka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo muddo toddobaad ah ku sugan dalka Itoobiya, ayaa warar kala duwan kasoo baxaayaan qorshaha safarkiisa.

Sanbaloolshe oo noqday mucaarad tan iyo markii xilka laga qaaday, ayaa la rumeysan yahay in uu kulamo gaar ah la yeeshay sirdoonka Itoobiya, isla markaana la wadaagay warbixinno la xiriira sirdoonka iyo howlaha amniga Soomaaliya.

Siyaasi kasta oo xilka laga qaado inta badan wuxuu safar ku tagaa dalalka dariska si uu halkaas uga soo mucaarado xukuumada soomaaliya balse safar uu xiliga ku joogo dalka itoobiya ayaa lagu sheegay Sanbaloolshe in ay tahay mid uu doonayo in uu samasto rag ay isku mawqif ka noqdaan mucaarad cusub oo lagu sii kiciyo xukuumada soomaaliya .

Booqashadiisa Itoobiya ayaa imaaneyso xilli uu dhowaan sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay saraakiil ka tirsan sirdoonka Imaaraatka Carabta.