SAWIRRO: Hay’adaha Qatar Charity, Bisha Cas Turkiga iyo hay’adda TIKA oo maanta deeq gargaar gaarsiiyay Magaalada Beledweyne.

0

Midowga hay’adaha gargaarka Qadar ee (Qatar Charity) iyo Dowladda Turkiga ayaa Maanta deeq gargaar oo kala duwan gaarsiisay Dadkii ku waxyeelloobay fatahaaddii uu Webiga Shabeelle ka sameeyay Magaalada Beledweyne.

Hay’adaha Qatar Charity, Bisha Cas ee Turkiga iyo hay’adda TIKA, ayaa Baladweyne geeyay deeq isugu jirtey Lix nooc oo Raashin ah , waxaana ka faa’iideystay Shan Kun oo Qoys (5 Kun), waxa kaloo halkaasi la gaarsiiyey Saddex Kun oo Bacaha Roobka laga galo ah, iyadoo loo sameeyay Boqol Musqulood, waxanay sidoo kale hay’adahaasi halkaas ka billaabeen Biyo dhaamin, si Dadka u helaanBbiyo nadiif ah.

Waxaana deeqdaas gaarsiiyeey masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka oo ugu horreeya Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) , Danjiraayasha Dowladaha aan Walaalaha nahay ee Qatar iyo Turkiga, Xildhibaanno iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda gargaarka, waxayna dhamaantood sheegeen inay aad uga damqadeen dhibaatada baaxadda leh ee ay Fatahaaddu geysatay.