DHAGEYSO:-Ciidamo boolis ah oo la geeyey deegaannada ay ku barakaceen shacabka baledweyne maxay tahay sababtu?

0

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa haatan qorsheynaya in Ciidamo boolis ah uu geeyo deeaganada duleedka ka ah Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiaran oo ay ku sugan yihiin dadkii ka barakacay fatahaada Wabiga.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo boolis ah oo isugu jira rag iyo dumar kuwaas oo ilaalin doona amniga Shacabka ka barakacay Baladweyne.

“Boqolaal Shacab ah ayaa ku sugan deegaannada ku dhow dhow Baladweyne kuwaas oo u baahan in amnigooda la xaqiijiyo waxanaa u diyaarinaya ciidamadii amnigooda ilaalin lahaa maadaama ay mas’uuliyad inaga saaran tahay ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Hoos ka dhageyso codka